RASMI: Isku Aadka Euro 2024 Oo Dhamaystiran Kadib Kulamadii Kala Baxa Ee Ugu Dambeeyay.

Waxa la soo afjaray kulamadii kala baxa ahaa ee tartanka Euro 2024 iyada oo ay 3 xul dhamaystireen isku aadka.

Xulalka Poland, Ukrian, Georgia ayaa si buuxda ugu soo baxay wareega Group-yada tartanka Euro 2024.

Haatan waxa si Rasmi ah u dhamaystirmay Group-yada tartanka oo ay ku biireen 3-dii xul ee ku soo baxay kulamada bug baxa ah.

Haatan waxa la sugo ayaa ah bilaabashada tartanka oo bilaaban doona xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedka horyaalada yurub.

Xulka Talyaaniga oo difaacanaya tartanka ayaa ku jira Group-ka B iyaga oo la Group ah xulalka Croatia, Spain iyo Albania.

Xulka marti galinaya tartanka ee Germnay ayaa ku jira Group-ka A waxana ay la ciyaari doonaan xulalka Scotland, Hungray iyo Switzerland.

Image

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga