Xiddiga U Ciyaara Chelsea Oo Seegaya Inta Ka Dhiman Xilli Ciyaareedka.

kooxda chelsea ayaa war xun ka heshay xaalada Romeo Lavia kaas oo la xaqiijiyay in uu maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu ku qaatay Southampton, Lavia ayaa soo jiitay xiisaha kooxaha ugu waaweyn suuqii xagaaga.

Ugu dambayn chelsea ayaa ku guulaystay saxiixaxiddiga waxana la filayay in uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda chelsea.

Si kasta ha ahaatee Dhaawac ayaa dhibaatooday sabab la xidhiidha dhaawac si joogto ah u soo gaadhay xilli ciyaareedkan.

Lavia ayaa kulankii ugu horeeyay u ciyaaray kooxda bishii December isaga oo ciyaaray kulankii Crystal Palace.

Xiddiga reer Belguim ayaa haatan la xaqiijiyay in uu dhaawac ku maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga