RASMI: England vs Denmark, Spain vs Croatia, France vs Holland, Portugal vs Turkey – Isku-aadka Tartamada Qaramada Yurub Ee Euro 2024 Oo La Sameeyey

Isku-aadka tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ayaa lagu dhawaaqay, waxaana samaysay Group dhimasho oo kulmiyey saddex xul oo adag oo ka mid ahaa kuwii loo saadaalinayay inay ku guuleysanayaan tartanka.

Xulka qaranka Italy ee difaacanaya Koobka Qaramada Yurub ayaa afl-libaax galay iyagoo horeba si dirqi ah ugu soo baxay tartanka oo ay ciyaartii ugu dambaysay ka adkaadeen Ukraine.

Talyaaniga ayaa waxay isku hormo yihiin Spain, Croatia iyo Albania oo ay ku wada jiraan Gropu B, halka xulka aadka loo buunbuuninayo ee England ay Group C ku wada jiraan Denmark, Slovenia iyo Serbia.

Waddanka martigelinaya tartanka ee Germany ayaa uu nasiibku saaciday oo xulalkii awoodda badnaa ay kala badbaadeen, waxaanay isku grouy yihiin Scotland oo ay ciyaarta koowaad ee tartanka lagu furayo la ciyaari doonaan, iyadoo Hungry iyo Switzerland ay ku wehelinayaan horamadan.

Xulka qaranka France oo ka mid ah dalalka ugu xooggan ayaa ku dhacay Netherlands, Austria iyo Wales oo ay ku wada jiraan Group D.

Group A: Germany, Scotland, Hungary, Switzerland

Group B: Spain, Croatia, Italy, Albania

Group C: Slovenia, Denmark, Serbia, England

Group D: Play-off winner A*, Netherlands, Austria, France

Group E: Belgium, Slovakia, Romania, Play-off winner B**

Group F: Turkey, Play-off winner C***, Portugal, Czech Republic

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga