CEEB: Manchester United Oo Lagu Samaynayo Baadhitaanno Kaddib Arrin Ceeb Ah Oo Ay Samaysay

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa waajahaysa baadhitaan lagu samaynayo, kaddib markii lagu eedeeyey in Red Devils ay samaysay fal ceeb ah oo keeni doona in ganaaxyo lagu soo rogo, sidoo kalena ay ka shakiyaan taageereyaasha iyo masuuliyiinta kooxaha horyaalka Premier League ee kusoo booqanaya garoonka Old Trafford.

Manchester United ayaa lagu eedeeyey in arrin aan hore loogu arag kubadda cagta ay ku kacday, waxaana tiro dad ah ay soo bandhigeen caddaymo iyo daliil muujinaya falka ceebta ah ee Manchester United oo ka dhacay garoonka Old Trafford.

Falkan lagu eedaynayo ayaa ah in Manchester United ay hilibka digaagga (hilibka doorada) oo caydhiin ay siiyaan martida ugu timaadda garoonka Old Trafford, waxaana muuqaallo kasoo duubay arrintan dad kala duwan oo eedayntan soo gdubiyey.

Waaxda caafimaadka UK ee NHS ayaa soo qaaday qaar ka mid ah cuntooyinka ay Manchester United siisay martideeda, waxaana lagu samaynayaa baadhitaanno, hase yeeshee wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in xaaladdu ku xun tahay oo cuntooyinkaas dadkii cunay ay xanuunsadeen.

Waxyaabaha lagu arkay dadka cuntadan cunay ayaa waxa ka mid ahaa qandho, xundhur, matag, caloosha oo xanuunta, xumad badan oo sare u dhaafta 38C, daal badan, xanuun jidhka ah iyo waxyaabo kale.

Arrintan ayaa waxa ay keentay in taageereyaasha, ciyaartoyda iyo masuuliyiinta kooxaha ee imanaya Old Trafford iyo meelaha ku dhow ay joojiyaan inay wax ka cunaan amaba ka cabbaan, waxaanay ku keenaysaa Red Devils dhaqaale xumo.

Waxa kale oo ay arrintani ku keenaysaa ganaax ku dhaca Manchester United, sumcad-xumo iyo in la isku hallayn waayo soo-dhoweyntooda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga