Arsenal Oo Hoggaanka Premier League Kusii Dheeraysatay Guul Daqiiqadihii Ugu Horreeyey Ay Ka Heshay Wolves

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa afar dhibcood ku qabatay hoggaanka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaanay 2-1 ku khaarajisay Wolves oo marti ugu ahayd Emirates Stadium oo bilowgii ciyaartaba ay si fudud uga takhalustay.

Laba gool oo 13kii daqiiqad ee ugu horreeyey ciyaarta ayay Arsenal la timid laba gool oo ay u kala dhaliyeen Bukayo Saka iyo Martin Odegaard ayaa u go’aamiyey Gunners guushooda, waxaanay waqti dambe ka badbaadeen dagaal adag oo ay gashay Wolves.

Bukayo Saka ayaa daqiiqaddii lixaad ee bilowga ciyaarta niyad-jabiyey Wolves, waxaana uu shabaqooda ku hubsaday kubbad uu ku dhaliyey lugta midig oo ay difaacyahannadu isku-dhax daateen, taas oo ay si fudud uga soo waaqsan waayeen.

Iyadoo aanay gaggabka goynin ciyaartoyda Wolves ee ka naxay goolka lagala hormaray, ayaa waxa ay haddana arkeen kubadda oo shabaqooda dhaxtaalla, kaddib markii dhinaca midig ay kasoo burburiyeen difaaca Leandro Trossard iyo Gabriel Martinelli.

Fursado kale oo ay Arsenal kusii dheeraysan karaysay hoggaanka daqiiqadihii ugu horreeyey ayaa waxa ka khasaariyey Gabriel Jesus iyo Gabriel Martinelli oo kubbado goolal loo qaatay awoodi waayey inay dhamaystiraan.

Kooxda martida ahayd ee Wolves, waxay qaybtii hore ahayd naadi daawade ka ah ciyaarta, laakiin Hwang ayaa u dhowaaday in uu shabaqooda soo taabto markii uu kubad ula tegay goolhayaha oo laga badbaadiyey.

Dhamaadka ciyaarta oo ay afar daqiiqadodo ka hadhsan tahay ayay Wolves kusoo laabatay ciyaarta oo uu Matheus Cunha u dhaliyey kubbad laga keenay koornaha badix oo uu si xarrago leh u dhamaystiray.

Sarabia ayaa isku dayay inuu lasoo galo xerada ganaaxa kubadda waxaase ka saaray Zinchenko  oo bandhiggiisu fiicnaa, ka hor intii aanu helin Semedo oo kubadda soo dhigay goolka hortiisa, kaddibna Cunha ayaa weydaariyey goolhaye Raya.

Arsenal ayaa uu wadnuhu go’ay dhamaadkii markii uu kubbad dhinaca midig kasoo qaaday Semedo oo uu shafka iyo gacan wada socda ku qabtay William Saliba, taas oo keentay in laga soo hubiyo VAR oo garsooraha dhexe ku waafaqday in gacantaasi aanay ahayn mid sugan.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Arsenal ay yeelatay 33 dhibcood, waxaanay afar dhibcood ka sarraysaa Manchester City oo kaalinta labaad ku haysata 29 dhibcood oo Axadda la ciyaari doonta Tottenham.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga