DEG DEG REAL MADRID oo si RASMI ugu garaacday PSG Saxiixii Qarniga ee Cajiibka ahaa …..

Real Madrid ayaa caawa si rasmi ah u dhammaystirtay heshiiska ay kula wareegayso garabka reer Ivory Coast Yan Diomande, kaddib markii ay heshiis la gaartay kooxda RB Leipzig.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda reer Spain ay bixineyso lacag ka badan €100 milyan, taasoo ka dhigaysa Diomande mid ka mid ah saxiixyada ugu qaalisan ee xagaagan.

Diomande ayaa la filayaa inuu toddobaadkan u safro magaalada Madrid, halkaas oo uu ku mari doono baaritaanka caafimaadka, ka hor inta uusan saxiixin qandaraas soconaya ilaa Juun 2031.

Dhanka kale, Paris Saint-Germain ayaa caawa si rasmi ah uga baxday tartanka saxiixa Diomande, iyadoo joojisay dhammaan dalabyadii iyo xiisihii ay u qabtay ciyaaryahanka.

PSG ayaa sheegtay inaysan jebin doonin siyaasaddeeda ku saleysan maamulka dhaqaale ee taxaddarka leh iyo ilaalinta dheellitirka kooxda.

Go’aanka ugu dambeeya waxaa qaatay Yan Diomande laftiisa, kaasoo doortay inuu ku biiro Real Madrid, iyadoo la filayo in heshiiska si rasmi ah loo dhammeystiro toddobaadka soo socda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga