Rashford, Solanke, Gallagher, Van Dijk & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa January.

Waxa lagu jiraa saacadihii ugu dambeeyay ee suuqa January iyada oo la filayo saxiixyo badan in ay dhacaan.

Kooxaha waaweyn ee kubada cagta ayaa isku dayi doona in ay sameeyaan saxiixyo ay ku xoojinayaan kooxooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Halkan Kaga bogo wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga maanta.

Kooxda PSG ayaa dib u soo cusboonaysiinaysa xiisihii ay u qabtay saxiixa xiddiga kooxda Man United ee Marcus Rashford  (i).

Kooxda Tottenham ayaa ka fiirsanaysa in ay dalab 50 milyan ah ka gudbiso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Bournemouth ee Dominic Solanke (Sun).

Tottenham ayaa sido kale la filayaa in ay dalab wakhti dambe ah ka gudbiso xiddiga kooxda chelsea ee Conor Gallagher (Guardian).

Kooxda Liverpool ayaa saacadaha soo socda u dhaqaaqi karta saxiixa xiddiga daafaca kooxda Fulham ee Tosin Adarabioyo (Mirror).

Kooxda Bayern Munich ayaa doonaysa saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Granada ee Bryan Zaragoza (Bild).

Xiddiga Karim Benzema ayaa go’aansaday in uu sii joogo kooxdiisa Al-Ittihad (Athletic).

Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab ka gudbiso saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Liverpool ee Virgil van Dijk (Defensa Central).

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City Bernardo Solva (Sport).

Kooxda Man United ayaa isku dayaysa in ay saacadaha soo socda dhamaystirto saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Everton ee Jarrad Branthwaite (sportsmole).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga