Pochettino: Chelsea Way Ku Guulaysan Doontaa Premier League Laakiin….

Tababaraha Kooxda chelsea ee Pochettino ayaa ka hadlay in ay kooxda chelsea ku guulaysan doonto horyaalka premier League wakhti uun.

Sido kale waxa uu sheegay in ay u baahantahay in aanay isaga ka caydhin shaqada tababaranimo ee kooxda hadii ay doonayaan in ay ku guulaystaan horyaalka.

“Waxaan dooneynaa inaan ku guuleysano Premier League. Haa, maalin waan ku guuleysan doonaa”.

“Laakiin hadii la badalo shaqaalaha tababarka uma suurtagalayso ku guulaysiga horyaalka sababta oo ah wakhti ayay wax walba u baahan yihiin”.

“Taageerayaasheena waxay u baahan yihiin inay fahmaan inuu yahay mashruuc cusub oo leh fikrado kala duwan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga