Petr Cech Oo Qiimeeyay Fursadaha Arsenal Ee Ku Guulaysiga Horyaalka Premier League.

Petr Cech ayaa la waydiiyay in Chelsea ama Arsenal ay ku guulaysan doonaan horyaalka soo socda. Cech ayaa sheegay in Gunners ay aad ugu dhowdahay inay sidaas sameyso, waxaana uu intaa ku daray inay xilli ciyaareedkan ku guulaysan karaan.

Wuxuu yiri: “Waqtigan xaadirka ah waxaan u maleynayaa Arsenal in ay ku guulaysan karto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan”.

“xilli ciyaareedkan waxa uu horyaalku noqon doonaa mid aad la isugu dhawyhaay, waxana aan qabaa in ay Arsenal ku guulaysan karto”ayuu sii raaciyay.

Iyadoo ay si dirqi ah ku lumisay hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore, Arsenal ayaa mar kale ku jirta tartanka xilli ciyaareedkan.

Gunners ayaa haatan ku jirta kaalinta 3-aad iyaga oo 52 dhibcood ka helay 24 kulan oo ay ciyaareen waxana ay 2 dhibcood ka dambaysaa kooxda Liverpool

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga