Hordhac: RB Leipzig Vs Real Madrid: Kooxda Leipzig Oo Garanaysa Sida Loo Garaaco Real.

Kooxda Real Madrid ayaa booqanaysa kooxda RB Leipzig kulan ka tirsan champions League wareega 16-ka tartanka.

Los Blancos ayaa doonaysa in ay sii wadato guulaha xidhiidhka ah ee tartanka xilli ciyaareedkan.

Dhinaca kale RB Leipzig ayaa doonaysa in ay joojiso kooxda Real Madrid si ay rajo ugu hesho u gudbista wareega xiga.

Kulanka: RB Leipzig Vs Real Madrid

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Red Bull Arena

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

RB Leipzig & Real Madrid Ayaa kulmay markii ugu horysay xilli ciyaareedkii hore champions League iyada oo RB Leipzig Ku badisay 3/2 kulankii garoonkooda ka hor inta ayna Real Madrid ku badin 2/0 kulanii 2-aad.

Real Madrid ayaa laga badiyay kaliya hal kulan 15-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay champions League la ciyaartay kooxaha reer Germany guuldaradaas ayaana ahayd midii ka soo gaadhay RB Leipzig xilli ciyaareedkii hore.

Kani waa markii 4-aad ee ay RB Leipzig ka soo muuqatay wareega bug baxa champions League iyo markii ugu horaysay ee ayna la ciyaarayn koox premier League ah wareega 16-ka.

Real Madrid ayaa u gudubtay wareega xiga 11 ka mid ah 13-kii kulan ee ugu dambeeyay ee wareega 16-ka champions League iyaga oo gaadhay ugu yaraan wareega Semi-final-ka mid kasta oo ka mid ah 3-dii jeer ee ugu dambaysay ee champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga