Paul Scholes Oo Magacaabay Xiddig 10 Jeer Ka Fiican Isaga Oo U Ciyaara Man United.

Paul Scholes ayaa ku amaanay Kobbie Mainoo qaab ciyaareedkiisii ​​ugu fiicnaa kulankii finalka FA Cup Sabtidii.

19 jirka ayaa ahaa iftiin  ifaya Man United xilli ciyaareedkan oo ahaa mid ku adag Man United waxana xitaa la bar-bar dhigay Halyeeyga Man United ee Paul Scholes.

Si kastaba ha ahaatee, Scholes ayaa yiri: “Waqtigaaga ha ku lumin isbarbardhigga aniga iyo Kobbie Mainoo, waxa uu 10 jeer iga fiican yahay sidii aan ahaa markii an 19 sano jiray”.

“Waxa aan jecelahay da u kubada u qaato, degenaanshaha, ka warqabka waxa ku xeeran iyo goolashiisa waa wayn ee ciyaaraha waa wayn”.

Mainoo ayaa la filayaa in uu door weyn ka ciyaaro xulka qaranka England tartanka Euro 2024.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga