Liverpool Oo Diyaar U Ah In Ay Ka Iibiso Luiz Diaz Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay isku daydo inay Luis Diaz kala wareegto Liverpool suuqa xagaaga ka dib markii ay wadahadalo la yeesheen wakiilkiisa.

Diaz ayaa dhaliyay 24 gool 13 caawin kadib 98 kulan oo uu saftay tan ilaa markii uu kooxda ugu soo biiray 37 milyan oo euro sanadkii 2022.

Xiddiga reer Colombia ayaa muhiim ka noqday kooxda Liverpool waxana bixitaankii Klopp Iyo Imaanshaha Slote shaki galiyay mustaqbalkiisa.

Liverpool ayaa wadahadalo adag la yeelan doonta kooxda doonaysa Diaz maadama uu kooxda kula jiro heshiis ilaa xagaaga 2027 ah kooxduna ma doonayso in ay lumiso xiddiga.

Reds ayaa la sheegayaa in ay ku iibinayso xiddiga lacag dhan 120 ilaa 140 milyan oo euro hadii ay iska fasaxayso xiddiga.

Qiimahaas ayaa ah mid ayna awoodin Barcelona, Madaxweynaha kooxda Barcelona ayaana la filayaa in uu hogaamiyo wadahadalada ay kooxdu la galayso Liverpool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga