Miyay Man United Shaqada Ka Caydhin Doontaa Ten Hag Kadib Ku Guulaysiga FA Cup-ka.

Kooxda Man United ayaa koob ku dhamaystay xilli ciyaareedka kadib markii  ku guulaystay FA Cup-ka.

Man United ayaa 2/1 ku garaacday Man City kulan ka dhacay Wembley kana tirsanaa FA Cup-ka.

Si kastaba ha ahaatee mustaqbalka Erik ten Hag ayaa weli ah mid aan caddayn maadama xilli ciyaareedka kooxdu ahaa mid niyad jab leh.

Man United ayaa ku dhamaysatay Kaalinta 8-aad ee kala saraynta premier League waxana laga badiyay kulamo badan.

Horaantii isbuucaan ayaa la sheegay in kooxda ay qorsheyneysay inay ceyriso tababaraha iyadoo aan loo eegin finalka FA Cup.

Si kasta ha ahaatee wargayska Athletic ayaa sheegaya in ay Man United samayn doonto qiimayn ku saabsan tababaraha.

Qiimaynta ayaa la samayn doonaa todobaadka dambe iyada oo aan ka hor wax go’aan ah la qaadin.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga