Paul Merson Oo Saadaaliyey Waqtiga Manchester United Ay Shaqada Ka Caydhinayso Erik Ten Hag

Khabiirka ciyaaraha Paul Merson ayaa saadaaliyey waqtiga ay Manchester United shaqada ka caydhin doonto tababare Erik ten Hag, xilli uu ka hadlayay natiijooyinka la filan karayo kulamada horyaalka Premier League ee usbuucdhamaadkan.

Erik ten Hag oo ay kooxdiisu Arbacada la ballansan tahay Chelsea oo kusoo booqan doonta Old Trafford, ayaa haddii laga badiyo, waxa ay si dhab ah u noqon doonaan kuwo dumay, iyadoo usbuuca dambena ay soo dhoweyn doonaan Bayern Munich ciyaarta ugu dambaysa horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League taas oo ay u baahan yihiin in ay garaacaan, sidoo kalena ay barbarro galaan labada kooxood ee kula jira hormadooda ee Galatasaray iyo FC Copenhagen oo min hal dhibic ka sarreeya.

Manchester United ayaa Sabtidii waxa si xun u burburisay Newcastle United oo kaga adkaatay 1-0, laakiin ciyaar ahaan aad uga awood badnayd oo ku ururisay hal dhinac oo garoonka St. James’ Park ah, waxaanay natiijadaasi keentay in ay sagaal dhibcood ka dambeeyaan Arsenal oo hoggaanka haysa.

Khabiirka ciyaaraha Paul Merson oo saadaaliyey natiijoooyinka kulamada horyaalka Premier League ee usbuuc-dhamaadkan, ayaa waxa uu sheegay in natiijada ciyaarta Chelsea ay kusoo booqanayso Old Trafford, ay saamayn weyn ku yeelan doonto mustaqbalka Erik ten Hag, waxaana uu u saadaaliyey in Red Devils ay barbarro 3-3 ah geli doonto.

“Chelsea difaaceedu ma aanu fiicnayn, Manchester United meel walba way kaga iman doontaa, laakiin waxay iyaguna ogolaan doonaan goolal sidii ciyaartii Galatasay ama Newcastle.” Ayuu yidhi Paul Merson.  Waxa uu kusii daray: “Natiijadayda saadaashayda ciyaartan waan la dabbaalanayaa, waxa aan filayaa ciyaar goolal badan lagu barbarrayn doono. Manchester United 3-3 Chelsea.”

Intaas kaddib ayuu Paul Merson u galay saadaasha mustaqbalka Erik ten Hag, waxaana uu yidhi: “Haddii laga badiyo ciyaaraha Chelsea, Bournemouth iyo Bayern Munich, anigu ma garanayo sida uu Ten Hag kusii haysan karayo shaqadiisa. Waa la eryi doonaa.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga