Mikel Arteta Oo Qiyaasay Tirada Dhibcaha Ay Arsenal Ku Qaadi Doonto Horyaalka Premier League

Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta ayaa qiyaasay tirada dhibcaha kooxdiisu u baahan tahay in ay xoogsato, si ay ugu guuleysato horyaalka Premier League ee ay hoggaanka u hayaan.

Gunners ayaa haysata laba dhibcood oo nadiif ah oo ay ka horreyso Liverpool oo kaalinta labaad kaga jirta horyaalka Premier League, waxaana ay tirada dhibcaha ay ka dhigan doonaan shan dhibcood haddii ay caawa ka takhalusaan Luton Town.

Kooxda ka dhisan woqooyiga London oo waqti dambe lumisay hoggaanka horyaalka Premier League oo ay 248 maalmood hoggaaminaysay, ayaa waxa ay fursad fiican u haysataa in sannadkan ay samayso adkaysi ka badan intii hore, isla markaana aanay is-dhiibin dhamaadka sidii ku dhacday xilli-ciyaareedkii hore.

20 sannadood ayaa laga joogaa markii ay Arsenal ku guuleysatay horyaalkeedii ugu dambeeyey ee Premier League ah oo ay waliba qaadeen iyagoon hal-marna laga badin, waxaana uu tababare Mikel Arteta u sheegay ciyaartoyda kooxdiisa tirada dhibcaha ay u baahan yihiin in ay keenaan, si ay usoo afjaraan 20ka sannadood ee horyaal la’aanta ah.

Mikel Arteta oo la weydiiyey waxa ay kooxdiisu u baahan tahay xilli-ciyaareedkan, si ay ugu guuleysato horyaalka Premier League ayaa ku jawaabay: “Haa, waxa aanu ku guuleysan karaynaa Premier League haddii aanu xoogsano 96 illaa 100 dhibcood.”

Mikel Arteta oo ka hadlayay wixii ku dhacay sannadkii hore ee ay waqtiga dambe is-dhiibeen ayaa yidhi: “Miyey dhacdadaasi II tahay dhiirigelin? Maya. Waxa i dhiirigelisa in aan daawado kooxda oo ciyaaraysa, maalin walba si fiican u dhaqmaysa, ay ka muuqato hammuun iyo gaajo, tababarkana iskugu diyaarinaysa si ay u qaataan fursad kasta.

“Taas ayaa ah waxa isiisa dhiirigelinta, laakiin anigu ma maamulo waxa ay kooxaha kale samaynayaan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga