LIX Ciyaartoy Oo Liverpool Dhaawacyo Kaga Maqnaanaya Kulanka Arbacada Ee Horyaalka Premier League

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa waayi doonta lix ciyaartoy oo muhiim ah oo dhaawacyo kaga maqnaanaya kulanka habeen dambe oo Arbaco ah ay safarka ugu tegayaan Sheffield United oo garoonka Bramall Lane ay ugu dagaallami doonaan sidii ay guul ay figta sare ku hiigsadaan uga heli lahaayeen.

Liverpool oo guul-weyn oo 4-3 ah ka gaadhay Fulham maalintii Axaddii oo waliba dhamaadkii ay laba gool u dhaliyeen Wataru Endo iyo Alexander-Anrold, ayaa waxa uga horreysay barbarro ay la galeen Manchester City oo fursad u noqotay Arsenal oo hoggaanka si rasmi ah ula wareegtay.

Dhibaatooyinka dhaawacyada ayaase madax-xanuun ku haya Jurgen Klopp waxaana ciyaartii Fulham ay waayeen difaaca dhexe ee reer Cameroon ee Joel Matip oo jilibka waxyeello kasoo gaadhay, lana beddelay badhtamaha qaybta labaad.

Ibrahima Konate ayaa beddelay Matip oo soo galay galay ciyaarta, iyadoo waliba laacibka reer France uu xilli-ciyaareedkan la dhibaatoonayo dhaawacyo muruqyada ah oo kusoo noqnoqday.

Klopp oo saxaafadda la hadlay ayaa qiray in dhaawaca Joel Matip uu yahay mid culus oo muddo dheer aanu u dheeli doonin, inkasta oo aanu si rasmi ah u muddaynin waqtiga maqnaanshihiisa.

Waxa hore Liverpool uga dhaawacnaa Alisson Becker iyo Diogo Jota oo labaduba usbuucii hore dhaawacmay, Andy Robertson, Thiago Alcantara iyo Stefan Bajcetic.

Halkan kaga bogo xaaladda xiddigan iyo waqtiga soo laabashadooda

Joel Matip – Lama xaqiijin waqtiga uu soo laabanayo

Alisson Becker- Kulanka Man Untied ee December 17 ayuu soo laaban doonaa

Diogo Jota – Lama xaqiijin waqtiga uu soo laabanayo

Andy Robertson – January 2024 ayuu soo laabanayaa

Thiago Alcantara – January 2024 ayuu soo laabanayaa

Stefan Bajcetic – Lama xaqiijin waqtiga uu soo laabanayo

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga