Nathan Ake: Halkan Faa’iido Ayaan Dheernahay Arsenal Xilli Ciyaareedkan, Marka Loo Bar-Bar Dhigo Xilli Ciyaareedkii Hore.

Nathan Ake ayaa aaminsan in Man City ay masiirkeeda gacanta ku hayso si ka duwan xilli ciyaareedkii hore markaas oo ay sugaysay Arsenal in ay dhibco lumiso si ay ugu guulaysato premier League.

“Aniga ahaan wax macno ah ma leh runtii. Waxay ku jirtaa gacmaheena sidaa darteed kuma xirna waxay sameeyaan, ”ayuu yidhi.

“Taasi waa farqiga sanadkii hore, waxa aan mar walba sugaynay waxa ay Arsenal samayn doonto laakiin xilli ciyaareedkan gacanteena ayay wax walba ku jiraan”.

“Waxa aan ognahay in aan badino 4-ta kulan ee ugu dambeeya si aan ugu guulaysan horyaalka premier League”.

“Dabcan way fiicnaan lahayd haddii ay Arsenal dhibco lumuso laakiin waxa aan diirada saaraynaa nafteena waa waxa kaliya ee aan diirada saarayno”.

Man City ayaa hal dhibic ka hoosaysa kooxda Mikel Arteta laakiin hal kulan oo baaqi ah ayay gacanta ku haystaan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga