Muxuu Xulka Croati U Baahanyahay Si Uu Ugu Gudbo Wareega 16-ka Euro 2024.

Xulka qaranka Croatia ayaa la kulmay bar-baro niyad jab leh oo ay ahayd in ay ku badiyaan 1/0 kadib goolkii uu dhaliyay Luka Modric, laakiin Italy ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta la timid goolka bar-baraha iyaga oo dhaawac weyn ku soo gaadhay rajadii ay ka lahaayeen wareega 16-ka tartanka.

Kaliya 2 dhibcood oo ay ka heleen 3-dii kulan ay ciyaareen ayaa la macno ah in ay ku jirto kaalinta 3-aad ee Group-ka waxana ay ku soo bixi kartaa kaalinta 3-aad iyada oo xulal kale kula tartami doona booska.

Laakiin si ay Slovenia ugala baxdo booska, Croatia waa in ay ku tiirsanaato natiijooyin gaar ah xulalka Slovenia Iyo Serbia waa in ay guuldaro kala kulmaan xulalka England Iyo Denmark kulamada caawa.

Waxa intaas sii dheer xulka England waa in ay ugu yaraan 3 gool Iyo wax ka badan kaga badiyaan xulka Slovenia si ay Croatia ugu gudubto wareega 16-ka euro 2024.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga