Muxuu Klopp Ka Yidhi Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Man United.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Man United.

Liverpool ayaa guuldaro 4/3 ah kala kulantay Man United kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa horyaalka premier Legaue.

“Kulan xamaasad leh, si fiican ayay ciyaartu ku bilaabatay laakiin anagu si fiican kumaan bilaaban, waxa ay wakhti nagu qaadatay si aan ula qabsano ciyaarta, waxa aan ahayn kuwo cajiib ah laakiin maanu dilin ciyaarta, hadii aad kaliya hal gool ku hogaaminayso waxa iska cad in kooxda kaa soo hor jeeda ay ciyaarta ku jirto, ugu dambayntii waa nalaga badiyay”.

“Wiilasha wax walba way bixiyeen, go’aan qaadashadayadu ma ahayn mid weyn, waa inaad aqbashaa natiijada, way u qalmaan inay wareega xiga u gudbaan, waxay ahayd qaybtii labaad ee ciyaarta markii ay ahayd inaan dhammayno laakiin maanu yeelin”.

“Waxaan u maleynayaa in wiilasheydu ay soo bandhigeen dabeecad cajiib ah mar kale, dadaal”.

“Hadda, wiilashu waxay aadaan waajibaadka caalamiga ah. Waxaan rajeyneynaa inay soo noqdaan iyagoo caafimaad qaba. Lucho [Luis Diaz] waxa uu xanuun ka dareemayaa gumaarka, Darwin Nunez muruqa ayuu xanuun ka dareemayaa, Cody Gagbo canqawga ayuu ka cabanayaa, Waxaan rajeyneynaa inaan ku dhameysan doono xilli ciyaareedka si qaabeysan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga