Muxuu ka yiri Macalin Mourinho Xidiga Barcelona Lamine Yamal & Falcelin yaab leh …..

José Mourinho ayaa wareysi uu siiyay El Chiringuito kaga hadlay dhowr arrimood oo kubadda cagta Spain iyo kooxdiisa ku saabsan, isagoo si gaar ah uga hadlay Lamine Yamal, kiiska Negreira iyo Bernardo Silva.

Mourinho ayaa la weydiiyay haddii uu jeclaan lahaa inuu kooxdiisa la soo saxiixdo xiddiga da’da yar ee Barcelona, Lamine Yamal, balse tababaraha reer Portugal ayaa jawaab kooban bixiyay.

“Waa ciyaaryahan aad u wanaagsan, laakiin maya,” ayuu yiri Mourinho, isagoo intaas raaciyay: “Waxaan haysannaa ciyaartoyda ugu fiican.”

Hadalkan ayaa muujinaya in Mourinho uusan u arkin Yamal ciyaaryahan ay kooxdiisu u baahan tahay, inkastoo uu qiray tayada iyo kartida weyn ee xiddiga Barcelona.

Dhanka kale, Mourinho wuxuu si weyn u amaanay Bernardo Silva, isagoo sheegay inuu aad u jecel yahay haddii ciyaaryahanka reer Portugal uu kooxda u yimaado.

“Bernardo Silva waan jeclahay inuu noqdo saxiix, Wax walba ayuu miiska soo dhigaa,” ayuu yiri Mourinho.

Wuxuu sidoo kale sheegay in kooxda ay aad ugu faraxsan tahay Bernardo Silva, isla markaana uu awood u leeyahay inuu wax badan ka caawiyo kooxda.

Haddaba, hadallada Mourinho waxay muujinayaan inuu ku qanacsan yahay ciyaartoyda uu haysto, uusan xiisaynayn inuu Yamal ku daro kooxdiisa, halka Bernardo Silva uu u arko ciyaaryahan khibrad iyo tayo badan ku soo kordhin kara kooxdiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga