Maxaa saaka ka cusub heshiiska Manchester United & Carlos Baleba Wiilka cajiibka ah….

Manchester United ayaa qaaday tallaabo weyn oo ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe ee Brighton, Carlos Baleba, iyadoo kooxda Old Trafford ay dalab dhan £65 milyan u gudbisay Brighton.

Baleba oo 22 jir ah ayaa loo arkaa ciyaaryahan ku habboon baahida Manchester United, gaar ahaan booska khadka dhexe ee difaaca,  waxaa lagu tilmaamay inuu noqon karo beddelka mustaqbalka ee Casemiro, maadaama uu leeyahay awood jireed, orod, kubad-difaac iyo inuu kubadda meelaha hore u qaado.

Wadahadallada labada kooxood ayaa socda, waxaana la sheegay in Baleba uu doonayo inuu u dhaqaaqo Manchester, isagoo diyaar u ah inuu saxiixo heshiis shan sano ah,  Brighton-na waxay u muuqataa inay diyaar u tahay inay ciyaaryahanka ku iibiso wax ka yar £100 milyan oo ahaa qiimihii lagu sheegay xagaagii hore.

Baahida United ee khad dhexe ayaa sii xoogeysatay kadib qaab ciyaareedkii liitay ee kooxda iyo dhaawacyada qaar ka mid ah ciyaartoydeeda,  Manuel Ugarte ayaa muddo dheer maqnaanaya, halka Mason Mount uu sidoo kale dhaawac la tacaalayo.

Baleba wuxuu Brighton ku soo biiray kadib markii Moises Caicedo uu Chelsea ugu biiray £115 milyan, waxaana uu si tartiib ah u noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan khadka dhexe ee kooxda.

Xilli ciyaareedkii 2024/25, Baleba wuxuu ahaa ciyaaryahanka khadka dhexe ee keliya ee shanta horyaal ee waaweyn Yurub sameeyay ugu yaraan 30 tackles, interceptions, clearances, take-ons iyo aerial duels uu ku guuleystay.

Haddii heshiisku dhaco, waxaa la filayaa inuu Baleba khadka dhexe kula midoobo Youri Tielemans, iyadoo Manchester United ay rajaynayso inay labada ciyaaryahan ka dhisto khad dhexe oo awood u leh inuu kooxda u horseedo tartan sare.

Baleba ayaa sidoo kale hore u sheegay inuu leeyahay hammi aad u weyn,  Wuxuu doonayaa inuu mustaqbalka noqdo ciyaaryahan la mid ah Luka Modrić ama Toni Kroos, wuxuuna xitaa sheegay inuu riyadiisu tahay inuu ku guuleysto Ballon d’Or, isagoo Rodri tusaale u soo qaatay.

Sidaas darteed, haddii Manchester United ay ku guuleysato saxiixa Baleba, waxay heli kartaa ciyaaryahan da’yar oo Premier League khibrad u leh, awood jireed leh, isla markaana leh hammi uu ku gaari karo heerka ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu wanaagsan adduunka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga