Wargeyska “Mundo Deportivo” ee gobolka Catalonia ayaa shaaca ka qaaday in isbedel uu ku yimid mowqifka FC Barcelona ee ku aadan heshiisyada Joao Felix iyo Joao Cancelo ee xagaagan.
Cancelo iyo Felix waxa ay amaah ku soo qaateen Barcelona xilli ciyaareedkii hore laakiin haatan waxa ay ku noqden kooxohoodii hore ee Man City iyo Atletico Madrid maadama uu heshiiskoodii amaahda ahaa dhacay 30 bishii June.
Muddooyinkii ugu dambeeyay waxa lafilayay in ay Barcelona sii haysato Cancelo inkasta oo ay kooxda ku adkayd in ay sidoo kale amaah ku sii haysato Felix sabab la xidhiidha in uu xiddigu helay dalabyo adan oo lagu doonayo saxiixiisa
Laakiin maalmihii la soo dhaafay xaaladu way is badashay iyada oo Cancelo uu noqday mid ay badantahay in uu ka tago kooxda marka loo eego Felix.
Haatan waxa ay u badantahay in uu sii joogo Felix iyada oo Atletico Madrid ay ogoshahay in ay amaah kale ku fasaxdo xiddiga.
Be the first to comment