Mohamed Salah Oo Isha Ku Haya Rikoodh Taariikhi Ah

Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah ayaa isku dayi doona inuu dhigo rikoor cusub oo gooldhalinta iyo caawinta Premier League kulanka ay axada gurigeeda kula ciyaari doonaan Brighton & Hove Albion.

L

Iyadoo 64 dhibcood ka heshay 28 kulan oo ay ciyaartay, Liverpool ayaa todobaadka danbe soo galaysa kaalinta labaad waxayna farqiga goolasha kaga dambeeyaan kooxda hogaanka haysa ee Arsenal.

Iyadoo Gunners ay wajihi doonto Manchester City oo kaalinta seddexaad ku jirta Axada, Reds ayaa fursad u heli karta in ay la wareegto hogaanka premier league.

Liverpool, oo aan laga badinin shantii kulan ee horyaalka, ayaa isku diyaarineysa inay wajahdo kooxda Brighton oo laga badiyay seddex ka mid ah afartii kulan ee ugu danbeysay ee ay marti ahaayeen horyaalka.

Halka kooxda martida loo yahay ay noqon doonto kuwa ugu cadcad, waxay si buuxda u ogaan doonaan tayada Brighton ka dib markii ay barbaro 2-2 ah ku galeen kulankii ugu dambayay.

Salah ayaa dhaliyay labo gool  isaga Oo Kooxdiisa ka caawiyay in ay hogaanka u qabato ciyaarta.

Labadaas gool ayaa Salah ka caawiyay in uu dhaliyo 15 gool oo Premier League ah xilli ciyaareedkan.

Marka Laga yimaado Gooldhalintiisa Salah ayaa sidoo kale caawiyay 9 gool ilaa haatan horyaalka.

Sidaas darteed waxa uu u baahantahya kaliya Hal caawin si uu u noqdo ciyaartoygii ugu horeeyay ee sameeyay 10 caawin 3 xilli ciyaareed Oo xidhiidh ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga