Mikel Merino ayaa shaaca ka qaaday in mid ka mid ah asxaabtiisa cusub ee Arsenal uu todobaadyo ku qancinayay in uu ku biiro Arsenal.
Arsenal ayaa maanta si Rasmi ah u soo bandhigtay saxiixa xiddiga iyada oo kala soo wareegtay kooxda Real Socieda.
Merino ayaa saxiixay heshiis 4 sano ah waxana uu noqday saxiixii 3-aad ee ay kooxdu samayso suuqa kala iibsiga xagaaga kadib Riccardo Calafiori iyo David Raya oo si toos ah ugu biiray kooxda.
Isaga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Markii ay soo bexeen wararka ila xidhiidhinaya Arsenal, David Raya ayaa mar walba i waydiinayay, maxaa ka jira? miyaad nagu soo biiraysaa sanadkan”.
“Waxa aan leenahay xidhiidh fiican sida iska cadna waxa aan ku wada guulaysanay Euro-da, aad ayaan ugu faraxsanahay in uu halkan joogo si weyn ayuu ii caawin doonaa”.
Be the first to comment