Mikel Arteta Oo Ka Fal Celiyay Wararka Sheegaya In Uu Ka Tagayo Arsenal Si Uu Ugu Biiro Barcelona.

Mikel Arteta ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya inuu qarka u saaran yahay inuu ka tago Arsenal kuna biiro Barcelona waxana uu wararkaas ku tilmaamay kuwo been ah.

Bilowgii todobaadkan waxa so baxay warar sheegaya in uu Arteta ka fikirayo in uu isaga tago kooxda Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedka si uu ugu biiro Barcelona isla markaas haatanba u sheegay dadka u dhaw.

Arintan ayaa imanaysa kadib markii uu tababaraha Barcelona ee Xavi ku dhawaaqay in uu isaga tagi doono Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo Arteta la rumaysan yahay in uu ka mid yahay tababarayaasha u sharaxan.

Mar la waydiiyay in ay run ka jiraan wararka xanta ah, Arteta ayaa u sheegay warfidiyeenka: “Maya, taasi gabi ahaanba waa war been abuur ah”.

‘Wixii aan shalay akhriyay ma garanayo meel ay ka yimaadeen. Runtii aad ayaan uga xanaaqay”.

Mikel Arteta ayaa ka soo baxay Akademiyada Barcelona waxana si weyn loola xidhiidhinayay saxiixa tababaraha maalmihii ugu dambeeyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga