Waqtigii Anthony Martial Ee Manchester United Oo Kusoo Dhamaaday Sagaal Sannadood Oo Xusuus Ah

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ogolaanaysa in uu si bilaash ah kaga tago xiddiga reer France ee Anthony Martial, taas oo soo afjaraysa muddo sagaal sannadood ah oo uu weeraryahanka reer France ku sugnaa garoonka Old Trafford.

Heshiiska Anthony Martial ee Manchester United ayaa ku eg dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxayse Red Devils haysataa dookh u ogolaanaya inay hal sano ku kordhin karto heshiiskaas.

Sida uu qoray wargeyska The Athletic, Manchester United ma doonayso inay dhaqan-geliso sannadka dookha ah ee uu siinayo heshiiska ay kula jirto Martial, waxaanay raacin doontaa dariiqii David de Gea oo xagaagii laga diray Old Trafford iyadoo ay Red Devils haysato sannad dookh ah oo ay qandaraaskiisa kusii kordhin karaysay.

Waxa kale oo ay Manchester United go’aan ku gaadhay in aanay iibinin Martial suuqa iibka ciyaartoyda ee bisha January, balse ay sii haystaan inta ka hadhay xilli-ciyaareedkan.

Erik ten Hag ayaa hore u tibaaxay in Manchester United ay ka fiirsanayso mustaqbalka afar ciyaartoy oo kala ah Anthony Martial, Aaron Wan-Bissaka, Victor Lindelof iyo Hannibal Mejbri oo dhamaantood qandaraasyadoodu ku egyihiin dhamaadka xilli-ciyaareedkan.

Martial oo ay da’diisu tahay 28 jir ayaa ay Manchester United kaga soo iibsatay Monaco lacag dhan £36 milyan oo Gini sannadkii 2015, waxaana illaa hadda uu u saftay 317 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu u dhaliyey 90 gool iyo 55 kale oo uu caawiye ka noqday.

Muddadii siddeedda sannadood ahayd ee uu joogay Old Trafford, waxa lagu xasuusan doonaa inuu kula guuleystay shan koob oo uu ugu dambeeyey Carabao Cup.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga