Mbappe Oo U Jawaabay Hadalkii Ka Soo Yeedhay Xiddig Real Madrid Ah.

Maalmo ka hor, Aurelien Tchouameni waxa uu yiri ‘dadku wax badan ayay ku arki doonaan Kylian Mbappe marka uu yimaado Spain” isagoo si maldahan u sheegay u dhaqaaqista Real Madrid.

Kylian qudhiisa ayaa ka jawaabay hadalka xiddiga ay isku xulka yihiin ee Aurelien Tchouameni.

“Hagaag, waxaan la ciyaaray Real Sociedad [16-kii Champions League, waxaan la ciyaareynaa Barcelona wareega 8da, hadii aan u gudubno, malaha Atletico Ayaan la ciyaari doona Semi-final-ka”.

“Sidaas darteed waa sax hadalka Tchouameni, waxa laga yaabaa in ay dadka reer Spain wax badan i arki doonaan”ayuu sii raaciyay.

Mbappe ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Real Madrid iyada oo heshiiskiisa kooxda PSG dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

PSG ayaa la ciyaari doonta Barcelona wareega 8 dhamaadka tartanka champions League, hadii ay gudbaan waxa ay midkood la ciyaari doonaan Atletico Madrid ama Dortmund.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga