Tababaraha Manchester United, Michael Carrick, ayaa si weyn u dhaliilay go’aamadii garsoorka kadib markii kooxdiisa 1-0 looga adkaaday Manchester City ciyaartii Derby-ga Manchester ee ka dhacday Old Trafford, Manchester City ayaa guusha ku xaqiijisay gool uu Erling Haaland dhaliyay daqiiqaddii 60-aad, balse goolkaas ayaa muran badan dhaliyay, iyadoo VAR dib loogu noqday ka hor inta aan la ansixin.
Carrick ayaa sheegay in ay aad ugu adkeyd inuu fahmo sababta goolka loo ansixiyay, isaga oo su’aal geliyay sida xeerarka offside-ka iyo faragelinta ciyaaryahanka loo fasiray :- “Run ahaantii ma garanayo halka aan ka bilaabo ka hadalka goolkaas, In go’aan noocaas ah nalaga qaato natiijada aad ayay u adag tahay,” ayuu Carrick ka sheegay BBC Radio 5 Live.
Tababaraha United ayaa sheegay in waxa isaga ka walaacsan aysan ahayn oo keliya go’aanka la qaatay, balse ay tahay sida loo fasirayo xeerarka ciyaarta, Carrick ayaa tilmaamay in maanta garsoorayaasha ay haystaan qalab badan oo lagu taageero go’aannada, sida VAR, shaashadaha garoonka iyo kooxaha garsoorayaasha ee dib u eegista sameeya, balse uu weli fahmi la’yahay sida dhacdada goolka Haaland loo fasiray , “Waxa runtii iga walaacinaya waa sida loo fasirayo sharciyada,” ayuu yiri Carrick.
Wuxuu si gaar ah uga hadlay ciyaaryahanka Manchester City ee isku dayay inuu kubadda ciyaaro isagoo ku jiray boos offside ah. Carrick wuxuu sheegay in ciyaaryahanka uu isku tuuray isku day uu kubadda madaxa ugu ciyaarayo, taasina ay saameyn ku yeelatay sida Lisandro Martínez uu uga falceliyay kubadda.
Sida uu Carrick qabo, haddii ciyaaryahan offside ku jira uu isku dayayo inuu kubadda ciyaaro, arrintaas waa in si cad loo tixgeliyaa marka la go’aaminayo inuu faragelin ku sameeyay ciyaarta iyo in kale, Tababaraha United ayaa sidoo kale sheegay inuusan si buuxda ugu qanacsanayn halka lagu sawiray khadka VAR ee go’aanka offside-ka:- “Ma aanan ku qancin in khadka offside-ka lagu sawiray goobta saxda ah, Aad ayaan ula yaabay, sidoo kalena wax yar ayaan uga walaacsanahay,” ayuu Carrick yiri.
Wuxuu intaas ku daray in haddii tani ay noqoto habka cusub ee loo fasirayo “faragelinta ciyaarta”, markaas kubadda cagta ay wajihi karto dhibaato , “Waa fasiraad aad loola yaabo oo aan fahamkeeda ku adkaanayo,” ayuu Carrick ku celiyay.
Carrick ayaa sidoo kale ka hadlay kaarka cas ee Phil Foden, kaasoo Manchester City laga saaray daqiiqaddii 23-aad kadib dhacdo uu kula lug yeeshay Bruno Fernandes, Tababaraha United wuxuu qiray in kaarka cas uu wax ka beddelay qaabkii ciyaarta, balse uu kooxdiisu ku guuldarreysatay inay si buuxda uga faa’iideysato tirada ciyaartoyda dheeraadka ah.
Carrick ayaa sheegay in Manchester United ay ahayd inay si wanaagsan ula qabsato xaaladda, isla markaana ay abuuri lahayd fursado badan oo ay kaga faa’iidaysato faa’iidada ay heshay, Si kastaba, goolka Haaland ayaa ugu dambeyn beddelay jihada ciyaarta, waxaana Manchester City ay ka faa’iidaysatay fursaddeeda si ay Old Trafford uga qaadato saddex dhibcood.
Inkasta oo Manchester United ay bilowga xilli ciyaareedka lumisay dhibco uu Carrick aaminsan yahay inay ahayd inay hesho, haddana tababaraha ayaa sheegay inuusan ka quusan qorshaha kooxda, Wuxuu sheegay inuu ku kalsoon yahay in Manchester United ay gaari doonto hadafkeeda, isagoo xusay in kooxda ay horumar wanaagsan sameysay muddo, isla markaana ay sii wadi doonto shaqada, Carrick ayaa qiray in natiijada Derby-ga aysan ahayn wixii ay doonayeen, balse uu sheegay in hal go’aan uusan beddeli doonin jihada xilli ciyaareedka oo dhan.
Be the first to comment