Man Utd Mise Tottenham? Alan Shearer Oo Saadaaliyay Kooxda Badin Doonta Final-ka Europa League.

Alan Shearer ayaa ku taageeray Tottenham in ay rigoorayaal kaga badiso Manchester United finalka Europa League ee soo socda.

Kooxaha ku dhibtoonaya Premier League ayaa ku kulmaya Bilbao habeenka Arbacada iyaga oo ku dagaalamaya koob Iyo waliba u soo bixista champions League xilli ciyaareedka dambe.

Spurs ayaa kulanka soo galaysa iyada oo fadhisa kaalinta 17-aad ee horyaalka premier League iyada oo aan wax guul ah ka gaadhin premier League tan iyo horraantii bishii April.

Kooxda Ange Postecoglou ayaa laga badiyay 21 ka mid ah 37 kulan oo ay ciyaartay horyaalka xilli ciyaareedkan laakiin waxa ay wacdaro ka dhigeen yurub.

Waa sheeko la mid ah kooxda Manchester United oo dhadhamisay guushii ugu dambeysay ee Premier League bartamihii bishii Maarso.

Natiijooyinka ceebta ah ee horyaalku kama joojinin United inay gaarto final kale oo weyn, iyadoo kooxda Ruben Amorim ay garaacday Real Sociedad, Lyon iyo Athletic Bilbao si ay u gaadhaan final-ka.

Isagoo daaha ka rogaya saadaashiisa xiisaha leh ee finalka Europa League, weeraryahankii hore ee England Alan Shearer ayaa ku yiri The Rest is Football podcast”Ayaad u aragtaa kooxda ugu cad-cad?” Tottenham maxaa yeelay rikoorkooda Man United xilli ciyaareedkan?

Labadooduba way ku dhibaatoonayaan premier League laakiin midkood ayaa ka ciyaari doonta champions League xilli ciyaareedka soo socda.

“Saadaashaydu waa 2-2 ama 3-3 ka dib wakhtiga dheeriga ah iyo Tottenham inay ku badin doonto rigoorayaal”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga