Man United Oo Laba Saxiix Dhamaystiri Doonta Maalmaha Soo Socda.

Kooxda Man United ayaa soo xidhaysa laba heshiis maalmaha soo socda sida uu sheegay saxafiga Fabrizio Romano.

Man United ayaa doonaysa in ay xoojiso kooxdeeda suuqa kala iibsiga xagaagan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka.

Red Devils ayaa ka shaqaynaysa laba saxiix kuwaas oo ay rajaynayso in ay dhamaystirto saxiixa maalmaha soo socda.

Xiddiga hore ayaa ah weeraryahanka xulka Netherlands Iyo kooxda Bologna ee Joshua Zirkzee kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso weerarka.

Xiddiga kale ayaa ah daafaca xulka Netherlands Iyo kooxda Bayern  Munich ee Matthijs de Ligt kaas oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan daafacooda.

Romano ayaa sheegay in ay labada xiddig haatanba la hadleen tababare Erik Ten Hag si ay ugala hadlaan qorshaha uu ka damacsan yahay.

Romano ayaa sheegay in ay Man United haatanba bilowday in ay la hadasho kooxaha Bayern Iyo Bologna si ay ugala heshiiyaan axiixa xiddigaha.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga