Man United Oo Ka Jawaabtay Qiimaha PSG Dul Dhigtay Manuel Ugarte Kadib Markii Ay Heshiiska Shaqsia Ah La Gaadheen Xiddiga.

Manchester United ayaa u sheegtay Paris Saint-Germain inaysan diyaar u ahayn inay bixiso 70 milyan oo euro oo ay ku doonayso Manuel Ugarte, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya France.

United ayaa si deg deg ah u dhamaystirtay laba saxiix oo cusub bishan kadib markii ay la soo wareegtay xiddigaha Joshua Zirkzee iyo Lille Leny Yoro.

Man United ayaa haatan u weecday diirada si ay u xoojiso khadka dhexe waxana ay bartilmaameedka 1-aad ka dhigteen Ugarte.

Waxaa la fahamsan yahay in United ay haatan heshiis shaqsi ah la gaartay xiddiga heerka caalami ee dalka Uruguay, kaasoo aad u doonaya inuu u dhaqaaqo Old Trafford inkastoo ay ka maqan tahay kubbadda cagta Champions League.

Si kastaba ha ahaatee, L’Equipe ayaa ku warameysa in United iyo PSG ay weli ku kala fog yihiin wada xaajoodka ku saabsan qiimaha 23 jirkaan.

Waxa la sheegay in PSG ay ku dalbanayso lacag dhan 70 milyan oo euro si ay u iibiso xiddiga Ugarte Laakiin Man Ayaa diidan in ay bixiso lacagtaas.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga