Man United Oo Garaacday Newcastle & Chelsea Oo Sii Wada Guulaha premier League.

Man United Ayaa guul ku Soo gaba-gabaysay kulamada premier league ee garoonkeeda xilli ciyaareedkan.

Man United Ayaa Garaacday Newcastle kulan ka dhacay garoonka Old Trafford.

Man United Ayaa ahayd kooxda halista badan iyaga Oo si joogto ah weerar ugu qaadayay Newcastle.

Daqiiqdii 30-aad ayay Man United dhalisay goolka waxana u dhaliyay xiddiga Kobie Mainoo kaas Oo hogaanka u dhiibay Kooxdiisa.

Daqiiqdii 49-aad ee qaybta dambe ayay Newcastle dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Gordon kaas Oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Man United Ayaa daqiiqdii 57-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Dialo kaas Oo Ciyaarta ka dhigay 2/1 ay United ku hogaamiyso.

Man United Ayaa daqiiqdii 89-aad dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Rasmus Hojlund kaas Oo Ciyaarta ka dhigay 3/1.

Newcastle ayaa dhalisay goolka 90+2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Hall kaas Oo ciyaarta ka dhigay 3/2.

Dhinaca kal Chelsea ayaa sii wada Guulihii ay gaadhayeen kulamadii ugu dambeeyay waxana ay garaaceen kooxda Brighton kulan ay 10 xiddig ahayd blues Kadib markii Laga Saaray Reece James.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga