Man United Oo Bar-Baro La Gashay Brentford & Red Devils Oo Ciyaarta La Baray.

Manchester United ayaa ku guuldareysatay inay ka badiso Brentford, waxaana ay barbardhac la gashay 1/1 la gashay kooxda kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Kooxda Brentford ayaa ahayd kooxda awooda badan iyaga oo wax walba kaga fiicnaa kooxda Man United kuwaas oo si weyn u dhibaatooday.

Brentford ayaa ku fiicnayd dhinaca fursadaha xilli ay Man United kaliya ciyaarta maamulaysay.

Labada kooxood ayaa helay fursado wax ku ool ah laakiin midna uma suurgtalin in ay gool dhaliyaan wakhtigii dabiiciga ahaa.

Laakiin Man United ayaa daqiiqadii 96-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Mason Mount oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Man United ayaa u qaadatay in ay badisay kulanka laakiin Premier League laguma kala boxo ilaa daqiiqada ugu dambaysa ee ciyaarta.

Kooxda Brentford ayaa daqiiqadii 98-aad dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Kristoffer Ajer kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United dhibco qaali ah ku lumisay xilli ay kooxaha ay kula tartamayaan booska champions League badiyeen dhamaantood.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga