Man City Oo Xasuuqday Ipswich Iyo Haaland Oo Saddexley Dhaliyay.

Kooxda Man City ayaa sii wada bilowgeedii fiicnaa ee premier League iyaga oo garaacay kooxda Ipswich Town.

Kooxda Ipswich ayaa ka naxsatay Man City iyaga oo daqiiqadii 7-aadba dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Samie Szmodics kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Laakiin Man City ayaa daqiiqadii 12-aadba soo laabatay waxana u dhaliyay Erling Haaland kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Xiddiga khadka dhexe ee Kevin De Bruyne ayaa daqiiqadii 14-aad dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta waxana uu ka dhigay 2/1.

Haaland ayaa daqiiqadii 16-aad dhaliyay goolka 3-aad waxana uu ciyaarta ka dhigay 3/1 ay kooxdiisu ku hogaaminayso.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo City wax walba ku fiicnayd.

Daqiiqadii 88-aad ee qaybta dambe ayuu Haaland dhamaystiray saddexleydii waxana uu ciyaarta ka dhigay 4/1.

Waxa ay ciyaartu ku dhamaatay 4/1 ay Man City ku gaadhay guusheedii 2-aad oo xidhiidh ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga