Man City Oo Liverpool Ka Tuurtay Hogaanka Premier League.

Man City ayaa hogaanka premier League kala wareegtay Liverpool kadib markii ay garaaceen kooxda Everton kulan ka tirsanaa premier League.

City ayaa ku badisay 2/0 kulan dhinac kaliya ahaa oo ay Man City ahayd kooxda fiican guud ahaan ciyaarta.

Xiddiga reer Norway ayaa dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta daqiiqadii 71-aad isaga oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Haaland ayaa soo laabtay, waxaana uu dhaliyay goolkiisii ​​labaad iyo goolkii labaad ee kooxdiisa, daqiiqadii 85aad.

Natiijadan ayaa keentay in kooxda Man City ay hogaanka kala wareegto Liverpool waxana ay leedahay 52 dhibcood.

Guushan adag ayay Man City gaartay guusheedii lixaad oo xiriir ah horyaalka Ingiriiska.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga