Liverpool Oo Garaacday Burnley Dibna U Soo Ceshatay Hogaanka Premier League.

Liverpool ayaa garaacday Burnley kana gaadhay guul muhiim ah oo ay kaga badisay 3/1 kulan ka tirsanaa premier League.

Reds ayaa dhibaato kala kulantay Burnley bilowgii ciyaarta iyada oo Burnely halis badan galisay Liverpool.

Daqiiqadii 31-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Diogo Jota kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Laakiin Burnley ayaa daqiiqadii 45-aad dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Dara O’Shea kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Xiddiga Luis Diaz ayaa daqiiqadii 52-aad dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa waxana uu ciyaarta ka dhigay 2/1.

Darwin Nunez ayaa daqiiqadii 79-aad dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta hurdo u diray.

Liverpool ayaa guusha kadib gaadhay 54 dhibcood iyaga oo 2 dhibcood ka horeeya kooxda Man City isla markaas hogaanka dib ula wareegay.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga