Man City Oo Go`aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Julian Alvarez Xilli Chelsea Doonayso saxiixiisa

Manchester City ayaa horay u diiday dalab uga yimid Atletico Madrid oo ku aadan Julian Alvarez iyadoo Chelsea ay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo weeraryahanka reer Argentina, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Spain.

Alvarez ayaa haatan ku dhameystay xilli ciyaareedkiisii labaad ee City, isagoo u dhaliyay 19 gool kooxda Pep Guardiola oo ololahan ku soo gabagabeysay horyaalkoodii afaraad ee Premier League oo xiriir ah.

24-sano jirkaan ayaa u saftay 54-kulan tartamada oo dhan, wuxuuna ahaa cayaaryahanka 8-aad ee garoonka bannaanka ugu sarreeya City marka loo eego daqiiqadaha uu ciyaaray xilli ciyaareedkan.

Laakiin Marca ayaa ku warameysa in Alvarez uu ka fikirayo inuu ka tago kooxda Man City Xagaaga si uu boos joogto ah u helo.

Wararka ayaa sheegaya in ay Atletico madrid mar hore la Soo xidhiidhay Man City si ay u hesho saxiixiisa xiddiga laakiin man city ayaa isla Markiiba diiday in ay iibiso xiddiga.

Man City ayaa lagu Soo waramayaa in ay ku iibinayso Xiddiga lacag dhan 80 milyan Oo euro taas Oo ah lacag ayna Atletico madrid awoodin.

Chelsea ayaa dhinacooda isku diyaarinaya in ay u dhawaaqdo saxiixa xiddiga.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga