Theo Walcott Oo Magacaabay 2 Xiddig Oo Haatan Ka Ciyaara Premier League Oo Arsenal Ku Hogaamin Kara Ku Guulaysiga Premier League.

Theo Walcott ayaa shaaca ka qaaday cida uu u malaynayo in ay tahay in Arsenal ay la soo wareegto si ay uga badiso Manchester City tartanka horyaalka xilli ciyaareedka soo socda.

Xilli ciyaareedkii labaad, Gunners ayaa ku dhamaystay kaalinta 2-aad iyaga oo ka hooseeyay Man City.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay suuqa ugu jirto weeraryahan xilli Mikel Arteta uu doonayo inuu ku xoojiyo kooxdiisa ka hor tartan kale oo horyaalka ah.

Xiddigii hore ee Arsenal, Walcott ayaa u sheegay kooxda laba xiddig oo ay tahay in ay la soo saxiixato si ay ugu tartanto horyaalka.

“Arsenal waxa ay samaysay wax fiican, waxa ay tartamayeen xilli ciyaareedka oo dhan waxana ay wax badan ka barteen khaladaadkii hore”.

“Waxaan qabaa waxa uu Mikel Arteta sameeyay iyo jawiga Arsenal waa wax cajiib ah”.

“Waxa Arsenal ka maqan haatan oo ay u baahantahay waa weeraryahan halis Iyo waliba kayd fiican oo isku dheelitiri kara kooxda”.

“Waa in ay midkood u dhaqaaqdo saxiixa xiddigaha midkood Alexander Isak & Ollie Watkins Kuwaas oo ah weeraryahano is uujiyay”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga