Mac Allister, Araujo, Fernandes, Tuchel, Ten Hag & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.

Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.

hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.

Kooxda Newcastle ayaa u sheegtay Arsenal in ay bixiso lacag dhan 200 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa xiddiga  Alexander Isak (Mirror).

Erik Ten Hag ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Man United kadib final-ka FA Cup-ka (Telegraph).

Thomas Tuchel ayaa ugu cad-cad in uu noqdo tababaraha kooxda Man United si uu u badalo Erik Ten Hag (Guardia).

Tababaraha Ipswich Town ee kieran McKenna ayaa u furan in uu noqdo tababaraha cusub ee Man United (Manchester Evening News).

Brighton ayaa ku kalsoon in ay Chelsea ku garaaci doonto saxiixa tababaraha McKenna (Times).

Kooxda Bayern Munich ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Man City ee John Stones (Football Insider).

Bayern Munich ayaa sidoo kale doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Man City Jack Grealish (Sun).

Kooxda Liverpool ayaa dareenkooda u jeedisay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Leeds United ee Crysencio Summerville (90min).

Man United ayaa hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga kooxda Crystal Palace ee Michael Olise (Football Transfers).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Bruno Fernandes ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Man United (90min).

Manchester United ayaa diyaar u ah inay lacag badan ku qarashgareyso daafaca dhexe ee Barcelona Ronald Araujo, kaasoo sidoo kale ay doonayaan labada kooxood ee Chelsea iyo Bayern Munich (SPORT).

Man United ayaa sidoo kale doonaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Real Madrid ee Joselu (Defensa Central).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Alexis Mac Allister ayaa iska diiday Real Madrid isaga oo sheegay in uu ku faraxsa yahay Liverpool (Football Insider).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga