Erik Ten Hag Oo Soo Saaray Liiska 22 Xiddig Ee Final-ka FA Cup-ka.

Kooxda Man United ayaa isku diyaarinaysa kulanka ugu muhiimsan xilli ciyaareedkooda ee Final-ka FA Cup-ka.

United ayaa wax walba u samayn doonta sidii ay u badin lahayd kulanka si ay koob ugu dhamaysato xilli ciyaareedka.

Tababaraha Man United ee Ten Hag ayaa soo saaray liiska 22-ka xiddig ee uu kaga hor tagi doono kooxda Man City.

Liiska waxa ka soo muuqday xiddigaha Martinez kaas oo dhaawac kaga maqanaa kooxda kulamadii ugu dambeeyay.

Waxa kulanka seegi doona xiddiga Anthony Martial kaas oo ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Man United.

Halkan kaga bogo Liiska 22 xiddig:

Onana, Bayindir, Heaton, Dalot, Wan-Bissaka, Varane, Martinez, Evans, Kambwala, Lindelof, Casemiro, Mainoo, Eriksen, McTominay, Amrabat, Mount, Fernandes, Amad, Antony, Garnacho, Rashford, Hojlund.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga