
Real Madrid ayaa codsi u dirtay kooxda Alaves si ay ugu ogolaato nasiino dheeri ah ka hor kulanka Champions League ee Arsenal.
Kooxda difaacaneysa champions League ayaa ciyaari doonta Seddex maalmood ka hor kulanka ay la ciyaari doonto Arsenal champions League.
Sida laga soo xigtay Cadena SER, Real ayaa dalbatay in dib loogu dhigo kulanka si ay u helaan nasiino.
Si kasta ha ahaatee maamulka La Liga ayaa si cad uga diiday codsiga Real Madrid waxana ay la ciyaari doonaan Alaves Axada.
Dhinaca kale Arsenal ayaa la ciyaari doonta Brentford maanya iyaga oo heli doona 24 saac oo dheeri ah oo ay nastaan.
Be the first to comment