Klopp Oo Ka Warbixiyay Xaalada Trent Alexander-Arnold Kadib Markii La Badalay Kulankii Burnley.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka warbixiyay xaalada xiddiga Trent Alexander-Arnold kadib markii xiddiga la badalay qaybtii nasashada kulankii Burnely

Xiddiga Trent Alexander-Arnold ayaa ku bilowday shaxda Liverpool kulankii Anfield ka dhacay kana tirsanaa horyaalka premier League.

Trent Alexander-Arnold ayaa caawiye ka noqday goolkii 1-aad ee ay Liverpool dhalisay isaga oo ka caawiyay in uu Jota dhaliyo goolka.

Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in Trent Alexander-Arnold uu dib uga dhaawacmay jilibka intii lagu jiray guushiii ay Liverpool ka gaadhay Burnley.

“Waxa uu xanuun ka dareemay jilibka isla booskii hore”ayuu Klopp yidhi kadib guushii Burnley.

“Ma ahan dhaawac halis ah laakiin wax ayuu dareemay waan eegi doona waan qiimayn doonaa”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga