Luis Enrique: Dagaal Ayaa Ka Dhici Doona Barcelona.

Tababaraha Kooxda PSG ee Luis Enrique Ayaa digniin u diray kooxda PSG kadib guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Barcelona.

Luis Enrique Ayaa Barcelona u digay lugta 2-aad ee tartanka champions League ee ka dhici dooa barcelona todobaadka dambe.

“Waxaan rabaa inaan ugu hambalyeeyo Barcelona kulanka ay la ciyaareen [PSG], waxaan ka gaari karaynay natiijo ka duwan tii hore, laakiin hadda waxaan ku fikireynaa inaan kusoo laabano lugta labaad” ayuu Luis Enrique u sheegay warbaahinta.

“Wax shaki ah kama qabo awoodayada aan ku soo laaban karno lugta labaad, waxaan u ciyaareynaa si la mid ah meel ka baxsan guriga sida aan ku ciyaareyno guriga, waan fahamsanahay haddii dadku ay rabaan inay halkan yimaadaan oo ay wax walba burburiyaan, laakiin taasi maahan xaaladdu. Aniga ahaan dagaal baa ka dhici doona Barcelona,” ayuu sidoo kale yiri maamulaha Paris.

Dabcan, PSG ayaa weli haysata fursad fiican hadii ay si fiican u ciyaaraan waxana ay awood u leeyihiin in ay soo baxaan wareega xiga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga