Liverpool Oo Slot Ka Diiday Saxiixa Xiddig Uu La Soo Shaqeeya

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay diiday fursad ay kula soo saxiixan lahayd daafaca dhexe ee kooxda Feyenoord kaas oo la Soo shaqeeyay Arne Slot.

Slovakia David Hancko ayaa u tiir u ayaa guusha Feyenoord intii uu Slot Hogaaminayay kooxda.

26-sano jirkaan ayaa horay u matalay Fiorentina iyo Sparta Prague ka hor inta uusan ku biirin kooxda Rotterdam 2022, isagoo kula guuleystay horyaalka Eredivisie xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Netherlands.

Laga soo bilaabo 93 kulan oo uu saftay funaanada Feyenoord, Hancko waxa uu gacan ka geystay 11 gool iyo siddeed caawin, oo ay ku jiraan toddobo gool oo uu dhaliyay iyo saddex caawin 48 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkii 2023-24.

Rabitaanka Liverpool ee ah inay la soo wareegto daafac dhexe oo cusub maahan wax qarsoon, laakiin sida laga soo xigtay Daily Mail, Liverpool ayaa iska diiday in ay la Soo saxiixato xiddiga.

Taas badalkeeda Liverpool ayaa diirada Saari doonta in aya Soo saxiixato xiddigo da’yar ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga