Kooxaha U Soo Dalacay Premier League Xilli Ciyaareedka Dambe Oo La Shaaciyay.

Waxa dhamaystirmay kooxaha u soo dalacay premier League xilli ciyaareedka dambe.

Kooxaha heerka 2-aad ee England ayaa sanad kasta 3 kooxood u soo dalacaan premier League.

Xilli ciyaareedka dambe waxa premier League ku soo biiri doona 3 kooxood oo aan ka qayb ahayn xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Kooxda Leicester City ayaa dib ugu soo laabatay premier League kadib markii ay ka hadhay xilli ciyaareedkii hore.

Kooxda Southampton ayaa sidoo kale ku soo laabatay horyaalka sidaas darted labada kooxood ayaa ah kuwo horay khibrad ugu lahaa premier League.

Kooxda Ipswich Town ayaa ah kooxda gabi ahaan ku cusub horyaalka premier League maadama ayna muddo aad u dheer ka soo muuqan tartanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga