Liverpool Oo Loo Sheegay Sababta Ay Ugu Fiicantahay In Uu Mohamed Salah Ka Tago Kooxda.

Laacibkii hore ee kooxda Liverpool Harry Kewell ayaa ka hadlay mustaqbalka xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah, iyo sidoo kale Trent Alexander-Arnold iyo Virgil van Dijk, maadaama uu qandaraaskooda haatan dhamaanayo.

Qandaraaska Mohamed Salah ee haatan uu kula jiro Liverpool ayaa lagu wadaa inuu dhaco bisha June ee soo socota, si la mid ah saaxiibadiisa Van Dijk iyo Alexander-Arnold.

Mustaqbalka mid ka mid ah seddexda ciyaaryahan ayaan weli go’aan laga gaarin, taasoo keentay in la isla dhex maro inay bilaash ku bixi karaan dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Harry Kewell ayaa yiri”Arnold? Hagaag, way adag tahay sababtoo ah ma doonaysid in aad lumis ciyaartooyada ugu fiican, ma doonaysid in aad dhaliso xiddig u dhashay dalka”.

“Arnold waxa uu ku koray halkan, si fiican ayuu u ciyaaray, waxa uu ku guulaystay wax walba oo uu u baahnaa, marka loo eego in uu yahay baas bixiye weyn, waxa uu u badan yahay in uu yahay mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican premier League xilli kasta”ayuu sii raaciyay.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “In la arko isaga oo baxaya hadii ay taasi dhacdo waxa ay noqon doontaa niyad jab, laakiin xaqiiqada ah in uu fursadan u haysto (si uu ugu biiro Real Madrid) waxa ay la macno tahay in uu yahay xiddig weyn”.

Waxa uu intaa ku daray:”Mohamed Salah waxa uu la gaadhay Liverpool waa wax aan caadi ahayn, way adag tahay sababtoo ah da’dan ayuu ku jiraa, yaase og waxa ku dhici doona xaaladiisa qandaraas?”

Wuxuu carabka ku adkeeyay: “Waxaan u maleynayaa in Liverpool ay niyad jabi doonto sababtoo ah waxa uu dhaliyaa, goolal badan, laakiin mararka qaarkood, markaan aragno ciyaaryahan weyn oo ka tagaya, waxay u horseedaa horumarinta ciyaartoyda kale, waxayna siisaa masuuliyad dheeraad ah.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga