Liverpool Oo Laba Tababare U Calaamadsatay Badalka Alonso

Michael Edwards ayaa lagu qasbay inuu meel kale ka raadiyo bedelka Jurgen Klopp ee Liverpool ka dib markii ay waayeen Alonso.

Alonso ayaa wacdaro ka dhigay Leverkusen waxana uu kooxda ku hogaamiyay in ay hogaanka u hayso horyaalka Bundesliga.

Shaqada fiican ee Alonso ayaa Soo jiidatay Liverpool Oo u doonaysa badalka Klopp.

Si kasta ha ahaatee waxa la Xaqiijiyay in uu Alonso sii Joogayo kooxda Leverkusen si uu u Sii wado shaqada fiican ee uu hayo.

Taas ayaa keentay in ay Liverpool raadiso badalkiisa si ay ugu badasho Klopp Dhamaadka xilli ciyaareedka.

Tababaraha kooxda Brighton eeRoberto De Zerbi & tababaraha kooxda Spotting Lisbon Ruben Amorim ayaa haatan ah dookha 1-aad ee Liverpool si ay ugu badalaan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga