Bayern Iyo Liverpool Oo Ogaaday Go’aanka Alonso.

Liverpool iyo Bayern Munich ayaa filayaa in Xabi Alonso uu sii joogi doono Bayer Leverkusen wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan iyada oo labada kooxoodba ay raadinayaan bartilmaameedyo kale oo tababare.

Liverpool ayaa ka warqabtay in muddo ah in Alonso aysan u badneyn inuu ka tago Leverkusen xagaagan.

Alonso, oo 42 jir ah, ayaa haatan ku jira doorkiisii ugu horeeyay ee tababarenimo ee kooxda Jarmalka laakiin waxa uu ku riyaaqay guulo degdeg ah isaga oo kooxdiisa hogaanka u haysa horyaalka Bundesliga isla markaana aan laga badinin tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Alonso wuxuu u ciyaaray Liverpool 210 jeer intii u dhaxaysay 2004 ilaa 2009, isagoo kula guuleystay Champions League 2005 iyo FA Cup 2006.

Alonso ayaa la wareegay Leverkusen iyaga Oo ku jira kaalmaha looga hadho horyaalka bishii October 2022 ka hor inta uusan ku hogaaminin kaalinta lixaad. Waxa lagu abaalmariyay qandaraas cusub bishii May kaas oo ku Soo haynaya ilaa Juun 2026.

Xilli ciyaareedkan, Leverkusen lagama badin 26 kulan oo Bundesliga ah iyada Oo kooxda Alonso 10 dhibcood ma saraysl kooxda Bayern Munich.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga