Liverpool Oo Garaacday Sheffield United Dibna Ula Wareegtay Hogaanka Premier League

Liverpool ayaa guul muhiim ah ka gaadhay Sheffeld United kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Liverpool ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga Oo doonayay in ay gool dhaliyaan.

Daqiiqdii 71-aad ayay Liverpool dhaliysay goolka waxana u dhaliyay xiddiga Darwin Nunez kaas Oo ciyaarta hogaanka u dhiibay ciyaarta.

Laakiin xiddiga Conor Bradley ayaa si khaldan isaga dhaliyay gool kooxdiisana ka dhaliyay waxana uu ciyaarta ka dhigay 1/1.

Xiddiga Alexis McAlister ayaa Liverpool u dhaliyay gool qurux badan waxana uu Kooxdiisa u dhiibay hogaanka.

Xiddiga Cody Gakpo ayaa dhaliyay goolka 3-aad ee ciyaarta waxana uu ka dhigay 3/1.

Wax sidaas ku dhamaantay ciyaarta Oo ay Liverpool guul muhiim ah gaadhay.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga