Joselu Oo Guul Ku Hogaamiyay Real Madrid Kulan Ay Garaaceen Getafe.

Joselu ayaa kooxdiisa Real Madrid ku hogaamiyay guul ay ka gaareen kooxda Getafe isaga oo dhaliyay 2 gool kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga oo ka dhacay garoonka Alfonso Pérez Stadium, kaasoo qeyb ka ahaa wareega 20-aad ee horyaalka Spain.

Kooxda cadaanka ah ayaa ciyaarta la soo gashay shax ay ku jireen, Andriy Lunin, Lucas Vazquez – Antonio Rudiger – Nacho Fernandez – Ferland Mendy, Luka Modric – Aurelien Chouamini – Federico Valverde, Jude Bellingham – Vinicius Junior – Joselu.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd ciyaar aad u heer saraysa, oo aad u xiiso badan, isla markaana ay labada kooxood isku waydaarsadeen qaabkii ay wax u dhacayeen, Joselu ayaana ku guulaystay inuu daqiiqadii 14-aad gool madax ah udhaliyo kooxda Real Madrid.

Qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Real Madrid isku dayday in ay weerar rogaal celis ah oo deg deg ah ku haysay goobihii banaanaa iyaga oo raadinayay goolka 2-aad ee ciyaarta kaas oo sii xoojiya shaqada kooxda Getafe, runtiina waxa ku guulaystay xiddiga weerarka ka ciyaara ee Joselu. Markii uu goolka labaad u dhaliyay isaga iyo kooxdiisa daqiiqadii 56-aad.

Labada kooxood ayaa halkooda kasii waday isku dayo ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan goolka kale, waxaana mid walba u suuragashay in ay gaarto goolka kale in ka badan, balse feejignaanta goolhayayaasha iyo daafacyada ayaa u diiday in midkood uu gool kale dhaliyo.

Guushan Real Madrid ayaa kor u qaaday dhibcaha ay ku fadhido 57 dhibcood waxayna ku guulaysatay in ay la wareegto hogaanka kala saraynta La Liga iyada oo laba dhibcood ka horaysa Girona oo kaalinta labaad ku soo baxday iyada oo leh 55 dhibcood.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga